Booliiska Denishka oo ku haftey kiisaska dhactooyada dhaqaale ee internetka

RH: Tiro badan oo deenish ah ayaa la kulma dambiyo dhaqaale oo dhanka internetka ah ah. Laakiin marka kiisaska noocaas ah la soo sheego oo ay ku ekaadaan booliiska, waxaana fuula boodh maadaama oo aan tamar loo haynin xalintooda  - mararka qaarkoodna waxay qaadataa  sannado - ka hor intaan baaritaanku bilaaban. Xarunta Qaranka ee Bilayska ee Dambiyada Dhaqaale ee la xidhiidha IT-ga (LCIK) ayaa heshay in ka badan 70,000 oo warbixinno ah oo ku saabsan dambiyada dhaqaale ee dhijitaalka ah tan iyo markii la asaasay xarunta bishii Diseembar 2018, taasina waa mid aad uga badan inta ay maareyn karaan. - Qaabka loo maareeyay

kiisaskan noocyadooda ayaa kala duwan oo  siyaabo badan u dhacay, ayuu yiri Adam Diderichsen, oo ah borofisar ku xeel dheer cilmibaarista bilayska ee Kulliyadda Jaamacadda Kobanheegan.

Category