Wefti Ka Socda Dawlada Jarmalka Oo Bookhasho Ku Yimid Somaliland

Hargaysa(RH):-Wasiiradda Wasaaraddaha Horumarinta Maaliyadda,Beeraha, Biyaha, Gaadiidka,Deegaanka oo ay Weheliyaan Wasiir ku xigeenada Wasaaradaha Qorshaynta,Caafimaadka iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda ayaa kulan xogwaraysi ah la yeeshay Wefti ka socday dalka Jarmalka oo booqasho ku jooga JSL.

Waxaa kulankaasi oo saacado qaatay la iska xog waraystay mashaariicda horumarineed ee dawlada jarmalku ka fuliso Somaliland.

Markii Kulankaasi soo dhamaaday waxaa warbaahinta u sharaxay waxyaabihii laga wada hadlay Wasiir ku xigeenka wasaaradda qorshaynta qaranka Eng Xuseen Ibraahin Buuni waxaana uu sheegay in kulankan diirada lagu saaray mashaariic door ah oo ay fuliyaan hay’ado kala duwan isla markaana ay maalgeliso dawlada jarmalka, Wasiir ku xigeenku waxa uu xusay in laga wada hadlay oo kale mashaariicda sida wanaagsan u fulay iyo wixii caqabad ah ee u baahan in wax laga qabto, Wasiir ku xigeenku waxa uu intaas ku daray in laga wada hadlay oo kale waxyaabaha ay dawlada Jarmalku danaynayso inay kala shaqayso Somaliland.

Wasiir ku xigeenka qorshaynta qaranka Somaliland waxa uu sheegay oo kale inay weftigan u gudbiyeen qorshe ku aadan meelaha ay Somaliland uga baahan tahay taageero maalgelineed oo ay ka mid yihiin Dugsiyada farsamada gacanta,Beeraha,Biyaha,Wadooyinka iyo wixii la hal maala.

Weftigan ka socda dalka Jarmalku waxaa kale oo ay soo kormeereen Mashaariic kala duwan oo ay ka maalgeliyeen Somaliland .

 

Category