Somaliland: “Sheekh Aadan Sunne wuxuu u baxsaday Jubadda Dhexe”

Xukuumadda jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaqday madaxbanaanida ee Somaliland aya shaacisay in sheekha caanka ah ee Sheekh Aadan Sunne uu ka baxsaday Somaliland islamarkana uu aaday dhanka koonfurta Soomaaliya.

Wasiirku ku-xigeenka Ammaanka ee Somaliland Cabdilaahi Xuseen Maxamed oo BBC la hadlay ayaa sheegay in wali ay wadaan baaritaanada la xiriira baxsashada sheekhani.

“Warka aan heyno wuxuu inoo sheegayaa in niman ay saaxibo yihiin oo koonfurta jooga oo berigii horeba lagu xaman jiray in uu afhayeen u yahay uu u tegay..wararka nasoo garaaya waxay sheegayaan in uu ku sugan yahay gobolka Jubada Dhexe” ayuu yiri Cabdillaahi Xuseen.

xigasho BBC

Category