Laasacaanood (RH)-Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool waxaa maanta oo Axad ah ka billowday shirwayne lagu sheegay in lagu dhammeestirayo maamulka SSC-Khaatumo.
Shirkan oo maalmahan qaban qaabadiisa uu ka socday magaaladaas ayaa waxaa ka qaybgalaya wasiiro ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, oo uu ku jiro wasiirka Wasaaradda Arrimaha Cali Xoosh Jibriil, xildhibaanno,hoggaanka dhaqanka SSC-Khaatumo, ergooyinka ka socda deegannada SSC-Khaatumo iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada. ,
Furitaanka maanta waxaa ka hadlay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cali Xoosh, waxa uu sheegay in bulshada SSC ay qaadateen go’aan ay uga tashanayaan aayahooda, wuxuuna yiri” Bulshada SSC waxay qaadatey go’aan geesinimo leh oo ah in la dhiso dowlad-goboleed rasmi ah, dastuur leh, una adeegaysa rabitaanka shacabka, DFS-na waxay garab taagan tahay dadaalkaa.”
Wasiir Cali Xoosh ayaa soo ka hadlay aragtida Dowladda Federaalka ee SSC, wuxuuna yiri” Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aaminsan tahay in xalka nabadda iyo horumarka deegaanada SSC lagu gaari karo oo keliya marka deegaamadaani helaan dowlad-goboleed dhameystiran oo si buuxda uga mid noqota nidaamka Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Firdhiye iyo Guddoomiye Ku Xigeenka Aqalka Sare Sen Cabdilllaahi Timacadde, ayaa boggaadiyay shirka maanta ka furmay Laasaacanood, waxaan ay ku baaqeen in la xoojiyo hoggaaminta nabadda iyoguusha shirweynaha.
Sidoo kale, masuuliyiinta ka hadlay furitaanka shirka waxa ay kula dardaarmeen dhammaan qeybaha bulshada sida; isimada, cuqaasha, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, haweenka iyo dhalinyarada, si ay u ilaashaan nabadda, u hoggaansamaan nidaamka, kana shaqeeyaan dowladnimadda iyo horumarka.
Hoolka shirka waxaan maanta lagu arkin qaar ka mid ah siyaasiinta mucaaradka ee SSC-Khaatumo oo horrey ugu biyo diiday hannaanka shirka iyo sidoo kale Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka mid ah isimadda SSC-Khaatumo oo dhawaan isaguna sheegay in qabsoomida shirkaas uusan tallo ku lahayn.


Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu Somalia