Sawirro: Isu soo bax Roob doon ah oo lagu qabtay dowlad deeganka Soomaalida

Jigjiga (RH)-Boqolaal qof ayaa maanta oo Khamiis ah isugu soo baxay magaalooyinka waaweyn ee ku yaalla dowlad deeganka Soomaalida si ay uga qeyb qaataan roob doon iyo Alla bari. 

Magaalooyinka lagu qabtay isu soo baxyada roob doonka waxaa ka mid ah xarunta deeganka ee Jigjiga, halkaasoo dadweyne fara badan ay salaad roob doon ku tukadeen garoonka kubadda cagta, waxaana ka qeybgalay madaxda sare ee xisbiga talada haya ee Barwaaqo, culimaa'udiin iyo dadweyne kale.

Madaxweynaha dowlad deeganka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar Cagjar ayaa sheegay in abaarta ka jirta deeganka ay si weyn u saameesay dadka iyo duunyada dowladdana ay wax ka qaban doonto.

"Alle ayaa baahideenna dabooli kara, raxmadiisa ayaynnu ka baryaynaa. ummadda muslimka ah ee rafaadsan ee abaaraha, dhibaatooyinka iyo biyo-la'aantu ay haysato allah raxmadiisa ha usoo dadajiyo".ayuu yiri Mustafe Cagjar.

Sidoo kale, Sheekh Maxamuud Maxamed Shibli, oo ka mid ah culimada Soomaalida ee ku nool dalka Kenya haddase booqanaya deeganka Soomaaliya ayaa halkaas ka jeediyay duco roob doon, waxaana deeganka u rajeeyay in uu Alle siiyo roob iyo raxmadiisa.

Roobdoontan ayaa imanaysa xilli abaar ba'an oo saameysay dad iyo duunyaba ay weli ka taagan tahay guud ahaan deeganka Soomaalida.

Mustafe Muxumed Cumar CagjarSawirro: Isu soo bax Roob doon ah oo lagu qabtay dowlad deeganka SoomaalidaSawirro: Isu soo bax Roob doon ah oo lagu qabtay dowlad deeganka Soomaalida

Radio Hormuud

Studio 3

Jigjiga DDS 

Category