Mulaxamiiste Cabdikarin Faarax Jiir oo Muqdisho ku geeriyooday

Muqdisho (RH)-Allaha u naxariistee Mullaxamiistihii weynaa ee Soomaaliyeed Cabdikarin Faarax Qaaray, oo loo yiqiinay Cabdikariin Jiir ayaa saaka barqadii ku geeriyooday isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho, kadib maalmo uu xanuun la jiifay isbitaalkaasi.

Allaha u naxariistee Jiir, waxa uu ku dhashay magaalada Hobyo ee gobolka Mudug sannadkii 1943 kii, wuxuna fankiisa ka bilaabay Muqdisho bilowgii lixdamaadkii ee qarnigii hore sida uu wareysiyo hore ku bixiyay.

Halkan hoose ka akhriso taarikhda marxuumka

Mulaxamiistaha weyn ee Cabdikariin Faarax Qaarey (Cabdikariin-Jiir), waxa uu ku barbaaray magaalada Hobyo.'

Sida uu sheegay xiisaha uu fanka u qabay waxa uu ahaa mid uu la dhashay. Qiyaastii sannadkii 1960-kii ayuu u wareegay dhankaa iyo magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu fanka si rasmiga kaga biiray. Sida uu ku sheegay waraysi uu bishii maarso ee sannadkii 2015  siiyay Universal Tv, macallin Jiir heestii ugu horraysay ee uu laxan saaraa waxa ay ahayd, heesta tidhaa, '' sabab kale ha moodine, suntaadii habeenadan, waan ka seexan waayoo, seedahaa i goysee...''. Heestan waxa ku luuqaysa Hibo Maxamed Guddoon (Hibo-Nuura), waxaana midhaheeda sameeyay  abwaankii weynaa ee Maxamed Cali Kaariye (Ihn).

Qisada heestani ku fadhido oo jacayl ah waxa ay ku dhacday isla mulaxamiistan weyn ee Cabdikariin-Jiir. Sida uu warraysigaasi ku sheegayna, isaga oo ku sugan magaalada Muqdisho, ayuu si ba'an u jeclaaday gabadh Sahra la yidhaa oo Rabbi dhaban iyo dheg ba ugu deeqay. Maalin maalmaha ka mid ah ayuu mudane Cabdikariin u tegay abwaankii weynaa ee Maxamed Cali Kaariye Ilaahay ha u naxariistee. Waxaanu uga sheekeeyay jacaylkiisa iyo sida uu baahida weyn ugu qabo gabadha uu jecel yahay oo aan codsigiisii soo dhawayn. Muddo yar ka dib ba waxa uu abwaan Kaariye u sameeyay heestaasi aynu kor ku xusnay. 


Waxa xusid mudan in heestani markii ugu horraysay ay soo baxday sannadkii 1969, uuna nasiib u helay in uu qaado fannaankii weynaa ee Xasan Diiriye. Balse muddo kadib waxa magaalada Hargeysa haddana ku duubay oo codkiisii dahabiga ahaa ku qaaday macallinkii weynaa ee Maxamed Mooge Liibaan, halka ugu danbayntiina ay nasiib u heshay in ay isla heestani qaaddo fannaanadda tilmaahan ee codka tolmoon ee Hibo-Nuura. Heestan waxa muusiga saaray Bashiir Xaddi. 

Heesaha caan baxay ee uu macallin Cabdikariin-Jiir codka u sameeyay waa kuwo aad u tiro badan, waana badi heesaha ugu caansan heesaha Soomaalida.

Allaha u naxariistee Jiir heesaha uu codka u sameeyay waxa ka mid ah:

1. Sabab kale ha moodine, waa qaadda Hibo-Nuura 
2. Rajo, waxa ku luuqaysa Hibo- Nuura 
3. Laalay dusheediyo, laag iyo xareed dheer.  Hibo-Nuura 
4. Taladaan qorshaynaayayeey-.... Hibo-Nuura 
5. Soo noqo adoo nabada .... Hibo-Nuura 
6. Kaftan baa jacayl dhala...... Hibo-Nuura 
7. Baladweyn.... Xasan Aadan Samatar 
8. Ma ogtahay Siraadeey... Xasan Aadan Samatar 
9. Dhoof Caashaq.... Xasan Aadan Samatar 
10. Guuleed ma joogaa .... Xasan Aadan Samatar 
11. Adaa beeray jacaylka.... Maryan Mursal 
12. Saddex cadow ayaa jira... Maryan Mursal 
13. Daallo aragtideedaay... Hanuuniye 
14. Naftu doqonsanaa, damac waalanaa.... Cabdinaasir Macallin 
15. Jacayl dhiig ma lagu qoray... Xaliimo Khaliif Cumar (Magool)

Halkan ka daawo ama dhegaysaba, heesta aynu kor ku xusan doono oo ah tii ugu horraysay ee uu laxan saaro, iyada oo waliba ah hees ku saabsan jacayl isaga ku dhacay. Bal qiyaas heesta soo baxday ku dhawaad 50 sanno ka hor, ee ilaa haddana wali ku jirta hormoodka fanka Soomaalida.
https://www.youtube.com/watch?v=V6yyiAhvsaw

W/D:Muuse-Dalmar 
Stockholm

Category