Madaxweynaha Jsl Iyo Weftigii Uu Hogaaminayay oo gaadhay Dalka Maraykanka

Washington DC(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi  iyo weftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay ayaa  caawa fiidkii gaadhay magaalada Washington DC. Ee cariga Mareykanka.

Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisa ayaa si diiran loogu soodhaweeyey Dallas International Airport Ee dalka Maraykanka .Waxaana madaxweynaha iyo weftigiisa halkaa ku sugayey kuna soo dhaweeyey madax sare oo ka tirsan dawladda Maraykanka iyo masuuliyiin kala ah wasiirka Arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, Dr Ciise Keyd Maxamuud safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Maraykanka, Amb. Bashiir Good iyo qaar ka mida Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Maraykanka.

Waxaana madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigiisa loo galbiyey Hotelkii loogu talogalay inay ka degaan Washington, waxaana soo dhawaynta ka dib safarka Madaxweynaha Warbaahinta uga waramay Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland, Amb. Bashiir Good oo ugu horayn u mahadnaqay cidkasta oo ka qayb-qaataday soo dhawaynta weftiga madaxweynaha qaranka Somaliland.

 

Category