Jabuuti ma waxay noqotay "buulka" ay jawaasiista adduunka ka galaan Afrika?

Wargayska Telegraph ee kasoo baxa waddanka Britain ayaa dhawaan daabacay maqaal dheer oo uu uga hadlayo tartanka ay quwadaha adduunka ugu jiraan inay kordhiyaan saameynta ay ku leeyihiin dalka Jabuuti.

Warbixinta wargeyska ayaa Jabuuti loogu tilmaamay "buulka basaasiinta" ee caalamka ay ku leeyihiin.

Waddamada Reer Galbeedka ayaa tartan kula jira Shiinaha si ay uga saameyn bataan dhinaca Jabuuti.

Albaabka Suez Canal

Waddankan yar ee Jabuuti waxa uu ku badanaa yahay marinta Bab al-Mandab, oo ah halka loo maro Suez Canal, oo ka mid ah marinnada maraakiibta ganacsiga ee ugu mashquulka badan caalamka.

Waxa uu waddanka dhulkiisa ku fadhiyaa qiyaastii 23,000 oo kiiloo mitir, tirada shacabkiisana waxaa lagu sheegaa 942,000, sida uu wargeysku xusay.

Dekedda uu leeyahay dalka ayaa u ah isha dhaqaale ee ugu weyn.

Sida ay Jabuuti u leedahay marinnada isku xira qaybo ka mid ah Afrika iyo Bariga Dhexe ayaa sabab u ah in ay si gaar ah muhiim ugu noqoto dalalka ugu awoodda badan caalamka oo saldhigyo militeri ka sameystay, si ay u xaqiijiyaan in howshoodu ay kala socoto.

Faransiiska, oo ah dalkii horay u gumeystay Jabuuti, ayaa ilaa hadda militerigiisu ay joogaan waddankan, sidoo kalena waxaa halkaas lagu martigeliyaa saldhigga ugu weyn ee uu Mareykanku ku leeyahay Qaaradda Afrika.

Shiinaha ayaa isagana Jabuuti ka sameystay saldhiggiisii militeri ee ugu horreeyay ee ku yaalla meel ka baxsan dalkiisa, halka Japan ay ku leedahay saldhiggeedii ugu horreeyay ee ay dibadda ka sameysato wixii ka dambeeyay Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Jabuuti waxa ay dhanka kale marin ganacsi oo muhiim ah u tahay waddanka dariska la ah ee Itoobiya.

'Buulka jaajuusiinta caalamka'
Marka la eego dalalka awoodda badan ee ku tiirsan Jabuuti, waxa uu waddankan yar isu baddalay buul ay ku xaroodaan sirdoonka adduunka, sida uu Telegraph ku sheegay maqaalkiisa.

Arrintan oo aan mar dhow billaabanin waxay soo socotay muddo aad u dheer.

Mareykanka iyo Shiinaha ayaa tartan xooggan ugu jira sidii ay awooddooda dhanka sirdoonka ugu xoojin lahaayeen gudaha Jabuuti, mid walbana waxa uu doonayaa inuu ku adkaato ciyaartaas.

Wariyaha diyaariyay maqaalka ayaa marka uu ka warramayay sida ay quwadaha caalamka ugu loollamayaan dalka yar ee ku yaalla geeska Afrika waxa uu ku qeexay "buulka basaasiinta".

"Horaantii sanadihii 1920-meeyadii booskan waxaa ku jiray magaalada Oslo, afartameeyadii waxay ahayd Casablanca, halka kontomeeyadiina ay ahayd magaalada Berlin," ayaa lagu yidhi qormada.

"Maanta dad badan waxay dhihi karaan caasimadda basaasiinta adduunka waa waddan aan la aqoonin oo ku yaalla Afrika, oo ah Jabuuti," ayuu sii raaciyay qoraalkiisa.

Qoraaga oo ay maqaalkiisa sidoo kale soo xigatay BBC-da laanteeda luuqadda Carabiga ayaa sheegay in saldhigga militeriga Mareykanka ee Jabuuti uu yahay Camp Lemonnier, saldhigga Shiinahana uu ku yaallo meel dhowr meyl u jirta halkaas oo ah cirifka kale ee xeebta.

Jabuuti waxay "caasimad u noqotay basaasiinta caalamka", sida uu qoray Telegraph

Jabuuti waxay "caasimad u noqotay basaasiinta caalamka"

Reer Galbeedka ayaa dalkan u adeegsada in ay tartanka dhinaca galaangalka iyo saameynta kula loollamaan Shiinaha, oo waayadii dabe sii kusii xoogeystay dhankaas. Beijing ayaa faraqa ku xiratay waddamada Afrika oo ay la yeelatay xiriir ganacsi iyo mid siyaasadeed labadaba.

Hoteelka Kempinski ee badda qarkeeda ku yaalla waxaa isugu imaada diblomaasiyiinta iyo saraakiisha militeriga waddamada kala duwan, marka laga reebo Shiinaha. Xiriirka ka dhaxeeya waa mid nabadeed, balse meesha kama marna in dareen uu jiro.

Qoraaga ayaa soo xigtay diblomaasi dhahaya: "Qof walba wuu og yahay waxa aad sameyneyso. Waa inaad la qabsato in aysan arrimahaaga qarsooneyn. Qof walba oo halkan ku sugan wuu is daboolayaa."

"Isku darka kumannaan askari oo ka kala socda Mareykanka, Shiinaha, Faransiiska, Japan, Spain iyo Talyaaniga ku wada sugan halkaas."

Saraakiisha Reer Galbeedku waxay qiyaasaan in tirada ciidamada Shiinaha ee ku sugan Jabuuti ay gaareyso ilaa 10,000 oo askari, oo ku qarsan saldhigga sirta ah ee Shiinaha. Askartaa lama arko iyagoo bannaanka jooga.

"Qof ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay, oo ka gaabsaday magaciisa, ayaa yidhi: halkan ayaan maraa subax walba, balse uma maleynayo inaan arkay qof bannaanka usoo baxay ama gudaha sii galaya. Yaa og waxa ay ka sameynayaan gudaha," ayuu yidhi qoraaga.

Dalalka qaar Jabuuti waxay u joogaan inay la socdaan mukhallasiinta hubka iyo daroogada kala gudbiya iyo la dagaallanka burcad badeedda. Waxaa la rumeysan yahay in marinta biyaha ee aagaas ay adeegsadaan dadka hubka u kala daabula meelo kala duwan oo ka tirsan gobolka Bariga Dhexe.

Saldhigga militeri ee uu Faransiiska ku leeyahay Jabuuti waa kan ugu weyn Afrika

Jabuuti waxay marti gelisaa saldhigga ugu weyn ee uu Mareykanku ku leeyahay Afrika

Shiinaha waxa uu Jabuuti u yahay waddanka ay ku taallo dekedda uu ku ilaashanayo lacagta dhan $250 billion ee sanad walba uga soo xaroota ganacsiga uu ka sameeyo Afrika.

Xukuumadda Beijing waxa ay saldhigga militeri Jabuuti ka sameysatay sanadkii 2017-kii, durbana way sii ballaarisay si ay u geyso markab weyn oo ah nooca diyaaradaha xambaara.

Isu dhawaanshaha saldhigyada militeri ee Mareykanka iyo Shiinaha ay ku wada leeyihiin Jabuuti ayaa horayba u abuuray xasarad diblomaasiyadeed oo culus.

Markii ay diyaaradaha Mareykanka aad ugu dhawaadeen saldhigga Shiinaha, sanadkii 2018-kii, militeriga Shiinaha waxay adeegsadeen iftiin ay ku cawireen duuliyeyaasha Mareykanka, sida uu wargeyska ku sheegay maqaalkan.

Xiggasho: BBC

Category