Ciidamada Booliska Somaliland Oo Joojiyay Mudaharaad Dhici Lahaa Hargeysa

Hargeysa(RH):–Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa sheegay in aan la qaban karin mudaharaad lagaga soo horjeedo maciishada qaaliyowday, oo la filayay in uu saaka ka dhaco, afaafka hore ee Golaha Wakiillada Somaliland.

Taliye ku xigeenka ciidanka booliiska  Sareeyo guuto Cabdi Xasan Mirre, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in mudaharaadka oo uu ku baaqay xildhibaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laab-saalax), oo xisbiga KULMIYE ugu jira golaha wakiillada aan loo marin wadadii sharciga ahayd.

Waxaanu yidhi.”Mudaharaad marka lasamaynayo wuxuu leeyahay sharciyad, nidaam ayaa loo maraa, ogolaansho marka la helo kadib ayaa lagu baaqaa oo la war galiyaa dadweynaha, waa nasiib darro in dareenkaasi kasoo baxo xubin kamid ah kuwii ay saarnayd masuuliyada ilaalinta sharciga”

Taliyaha ayaa sheegay in aanu wax mudaharaad ahi dhici doonin, “Waxaanu dadweynaha u sheegayna in aanu mudaharaadkaasi jirin, wax sharciyad ah oo uu ku qotomaana jirin”.

Taliye Mirre ayaa xildhibaanka ugu baaqay in uu raali galin ka bixiyo, baaqa uu bulshada ugu baaqay in ay mudaharaad dhigaan.

 

Category