Ciidamada Booliska dalka Denmark oo shaaca ka qaaday in ay kormeer adag ku hayn doonaan 17 qoys oo loo arko in ay yihiin kuwa ugu halista badan dhanka dambiyada dalkaas.

RH:Taliska guud ee ciidamada Booliska dalka Denmark (Rigspolitiet) ayaa galabnimadii Jimcaha shaaca ka qaaday qorshe cusub oo si heer qaran ah loogu la soconayo dhaqdhaqaaqa 17 qoys oo lagu tilmaamay inay yihiin shabakado dambiyeed abaabulan oo dhibaato ku haya amniga dalka Denmark.

Booliska ayaa sheegay in qoysaskan, oo tiradooda lagu qiyaasay 17, ay ku lug leeyihiin dambiyada ugu culus, waxaana hadda kadib lagu dabaqi doonaa nidaam kormeer oo lamid ah kan loo isticmaalo kooxaha burcadda ah ee mootooyinka wata (Rocker bands) iyo kooxaha dambiyada abaabulan (Gangs).

Sidoo kale, waxaa jira inta u dhaxaysa 50 ilaa 100 qoys oo kale oo iyagana loo arko inay halis ku yihiin amniga, kuwaas oo booliska goboladu ay si gaar ah ula tacaali doonaan heer deegaan.

Qorshahan cusub oo dhaqangali doona bilowga sanadka soo socda, ayaa imaanaya iyadoo la ogaaday in xubnaha ka tirsan 17-ka qoys ee sida gaarka ah loo beegsanayo ay tiradoodu gaareyso ku dhawaad 700 oo qof. Shanti sano ee lasoo dhaafay, shaqsiyaadkan waxaa lagu riday in ka badan 1,230 xukun oo isugu jira dambiyo culus, ka ganacsiga daroogada, haysashada hub sharci darro ah iyo dambiyo nafta halis ku ah.

Inkastoo boolisku aysan shaacin goobaha rasmiga ah ee ay qoysaskan ka degan yihiin dalka Denmark, haddana waxaa la xaqiijiyay in ay ku baahsan yihiin daafaha dalkaas.

Xogta booliska ayaa intaas ku dareysa in ku dhawaad saddex meelood labo meel dadkan ay haystaan dhalashada dalka Denmark, halka 90% dambiyada ay galaan ay yihiin kuwa la xiriira dhaqaale raadis, daroogo iyo rabshado hubaysan.

Tani waa tallaabadii ugu cuslayd ee ay dowladda Denmark qaaddo si ay wax uga qabato qoysaska caadeystay falal dambiyeedka abaabulan.

Radio Hormuud, Xarunta Wararka.

Category