Boris Johnson oo ka hadlay dabkii xalay baabi'iyay suuqa Hargeysa

Ra'iisul Wasaaraha UK, Boris Johnson, ayaa qoraal uu bartiisa twitter-ka soo dhigay ku sheegay inuu aad uga xunyahay dhibaatada ka dhalatay dabkii Hargeysa ka kacay ee burburka baaxadda leh gaystay.

Waxa uu sheegay in suuqa uu dabku ka kacay uu ahaa halbowlaha dhaqaalaha magaalada, ayna saamaynta ugu badan dareemayaan dadka leh ganacsiyada yar yar.

"Magaaladiina dib ayey u soo kacaysaa, Ingiriiskuna wuxuu ku dadaali doonaa sidii aanu u taageeri lahayn dedaalka dib-u-dhiska Somaliland." Ayuu ku yiri qoraalkiisa.

xigasho BBC

 

Category